Baydhabo(INO)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Bakool oo la hadlay Saadaalnews ayaa sheegay inay Muhiim tahay in Talaabo sharci ah laga qaado Xildhibaanadii tagay degmada Ceelbarde oo ka shaqeeyay dhismaha maamulka la sheegay in loo sameeyay Yeed,Ceelbarde iyo Aato.
waxa uu Xildhibaanki sheegay inay Arintaasi keeneyso Dagaaladii dalka ka dhacay 1991 isaga oo shaaciyay inay wadaan shaqada ka socota Ceelbarde Cabduweli Gaas iyo Axmed Madoobe oo hab beeleed u taageeraya arimaha lagu kala qeybinayo shacabka Gobolka Bakool ku nool,
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo