Baledweyne(INO)-Xalay waxa lagu khaarajiyey Magaalada Baledweyne duleedkeeda Sargaal sare oo katirsanaa Ururka Al Shabaab iyadoo warar kala duwan dilkiisa ay kasoo baxayaan.
Al Shabaab Ayaan weli ka hadlin warkaan waxaase dadka kusugan Gobolka Hiiraan ay aad uhadal hayaan warkaasi iyo weerarkii xalay ka dhacay Gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo katirsan Baarlamaanka DF Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan Dilka Cali kuna sheegay mid laga wada qeyb qaatay.
Daahir Jeesoow waxa uu sheegay in Al Shabaab sirdoonkooda ay xogtaan la wadaageen fududeysana in la dilo Ninkaasi oo dhawaan Luuq Jeeloow ku qoor gooyey Nabadoon caan ahaa.