Dhageyso:Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ee DFS Oo Ka Hashay Shirka Furitaanka Hiigsiga 2016 ee ka furmey Baydhabo

0
250

Baydhabo(INO)-Wasiirka Haweenka Iyo Xaquuql insaanka Ee Dowlada Federalka Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar oo ka mid ah Gudiga Madax Banaan ee Doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016 ayaa maanta khubad ka jeedisey furitaanka Shirka Hiigsiga Soomaaliya sanadka 2016 Ee ka furmey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

5

Wasiirada ayaa sheegtey in soomaaliya ay soo hagaageyso isla markaana tan iyo markii gudiga doorashooyinka madax banaan la dhisan ay ku hawlanaayeen isku dabaridka hawlaha Doorashada Soomaaliya Ee Sanadka 2016.

“  Soomaaliya waxii soo martey waynu ognahay,sanadkan waxaa la filayay inay dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah (One Man, One Vote),laakiin taasi waxaa la isla gartey in aysan dhici Karin waqti xaadirkan, marka hadii aysan dhici Karin side looga gudbaa ayaan ka wadatashaneyna, waxaan Gobolkan Koonfur Galbeed Soomaaliya u soo gaarneen in aan dadyowgan halkan ku nool  kala tashano hiigsiga soomaaliya ee 2016” ayey tiri Wasiiradda.

Sahra Maamed Cali Samatar, wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Dowlada Soomaalia Soomaaliya ayaa waxa kale oo ay xustey in qof weliba uu badbadiyo soomaaliya, iyadoona u Mahadcelisey Dowladihii ka qiib qaatey dib u soo ka bashada Soomaaliya, isla markaana ka qabiib galiyaasha shirka waxay ku boorisey inay ka tashadaan Aayaha Hiigsiga Soomaaliya ee Sanadka 2016.

Ugu dambeyntii, Qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxay diidan yihiin hanaanka Dowlada Soomaaliya ay u wado Hiigsiga Sanadka 2016, kuwaasoo doonaya in baalamanka Xilgaas lagu soo xulo Degmooyinka Gobolada  dalka isla markaana taasina waxay dhici karta Xoga aruurin ay wadaan Gudiga Madax banana ee doorashada Soomaaliiya hadii ay soo xuleyaan Odayaasha ama  ay ku imaanayaan Degmooyinka Gobolada Dalka, tasoo ay dhici karto  hadii lagu soo xulo qaabka degmooyinka in beelo Soomaaliyeed oo badan laga waayo Kuraasta Baarlamanka Soomaaliya Xiligaasi.

Halkan Ka Dhageyso

2

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here