Dhageyso+Wareysi:Xarumo Waxbarasho Iyo Iskoolo Oo Laga Hirgaliyey Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
304

Xudur(INO)- Maamulka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool  Ayaa Waxaa Uu Wadaa Dadaalo Ku aadan Sidii Wax Loogu Qaban Lahaa Shacabka Ku Nool Degmadaasi Iyadoo Degmada Ay Ubaahneed In Wax Laga Qabto Dhanka Adeegyada Bulshada.

Gudoomiye-Kuxigeenka Dhanka Siyaasada Iyo Amaanka Degmada Hudur Mustaf Aadan Xuseen Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmada Laga Hirgaliyey Badan Oo Ay Iskugu Jiraan Xarumo Caafimaad Iyo Waxbarasho Oo Intooda Badan Ay Ka Liidteen Degmadaasi.

Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In degmada Hada Laga Dhisey Isbitaal Aad U Weyn Oo Ay Hirgalisey Hay’ada Lagu Magacaabo DDG Balse Waxa Uu Sheegey In Isbitaalka Uu U baahan Yahay Dhaqatiir Iyo Waxyaabo Kale Oo Ka maqan Xaruntaasi.

Xarumaha Kale Ee Laga Hirgaliyey Degmada Xudur Ayaa Waxaa Ka mid Ah Iskoolo Ay Iskugu Jiraan Kuwo Gaar loo leeyahay  Iyo Kuwo Kale Oo Nadaami Ah Dhanlinta Waxbarashada Jecel Ayaa Si Dhaqsi Ah Iskugu Diwaan Galiyeen Xarumahaasi Waxbarashada Ah.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Ayaa Waxaa UU Sheegey In Iskooladka Ay Ku Egyihiin  Dugsiga Hoose Dhaxe Iyo Sare Ardeydii Dhameysata Ay Aadi Karaan Jaamacadaha Ku Yaala Magaalooyinka Muqdisho Iyo Magalada Baydhabo Janaay.
Halkan Ka Dhageyso

W/Q/Wariye Siiidcali Muuse Maxamed (Ateera)