Goofgaduud Shabeelow(INO)Shacabka Ku Nool Degaanada Iyo Degmooyin Katirsan Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Gaar Ahaan Baay Iyo Bakool Ayaa Xiligaani Waxa Ay La kulmaan Dhibaatooyin Kala Duwan Oo Ah Caafimaadka daro, Waxbarasho la’aan Iyo biyo yari Oo Ay U Dheer Tahay Dhibaatooyinka Ay Mararka Qaar Kala Kulmaan Urarka Al Shabaab Oo Inta Badan Godoomiyey Magalooyinka Bay iyo Bakool Katirsan.
Degaanka Goofgaduud Shabeelow Oo Ah Degaan Hoos Taga Magalada Baydhabo Qiyaas Ahanna Ay Isu Jiraan 30KM Ayaa Shacabkii Ku Nolaa Waxaa Ay Dalbadeen In La gaarsiyo Gar Gaar Deg Deg Ah Taasi Oo Ay Keentey Biyo rayi Soo Wajahdey Degaankaasi.
Xuseen Wardheere Oo Ah Gudoomiyaha Degaankaasi Mar aaan Qadka Tellefoonka Kula Xiriirey Ayaa Waxaa Uu Iisheegey In Xalada Deganka uu Yahay Mid Adag Biyo Yarida Ka jirtana Ay Keeni karto In Ay U Dhintaan Dadka Iyo Duunyada Ku Nool Degaankaasi Isagoona Sheegey In Ay Adag tahay Iney Biyo Ka keensadaan deganada Ku Soo Dhow.
Dhanka Kale Waxaa Burbur Ku Yimid Xarumiyii Cafimaadka Iyo Tan Waxbarashada Ee Ku yaleen Degaankaasi Kadib Markii La waayey Wasaarado Ka socdaan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay Waxkaqabtaan Xaladahaasi Marka Laga Reewo Hay’ado iyo NGO Ah Sida Uu Warbaahinada u sheegey Gudoomiyaha Degaankaasi Goofgaduud Shabeelow Ee Gobolka Bay Xuseen Wardheere.
Maamulka Degaankaasi Ayaa Ugu Dambeentii Waxaa Uu Dowlada Dhaxe, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’adaha Ka shaqeya Arimaha Bini’aadinimada Ka Codsadeen In Ay Wax Kaqabtaan Xaladaasi.
Halkan Ka Dhageyso
W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera