Baardheere(INO)—Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay weerar ku qaadeen Alshabaab saldhig Milatari oo ay ciidamada AMISOM gaar ahaan dalka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade oo u dhow xadka dalka Kenya hase yeeshee 550km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho.
Alshabaab ayaa weerarkan ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka laga galo saldhigan milatari kadibna waxa ay gudaha u galeen saldhigan Milatari.
Afhayeenka dhinaca howlgalada ururka Alshabaab Cabdcasis Abu Muscab ayaa sheegay in ay la wareegeen dagaalyahanadooda saldhigan.
“Dagaalyahanadeedna waxa ay gudaha u galeen saldhigan wayna qabsadeen,” ayuu yiri Abu Muscab.
Weerarkan oo ah kii ugu horeeyay oo noocisa oo kale ah oo lagu qaado saldhig ciidamad Kenya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Hase yeeshee weeraro noocan oo kale ah ayay ciidamada Alshabaab ku qaadeen saldhigyo Milatari oo ku yiil gobolka Sh/hoose.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baardheere