Istabul(INO)— Shirka Madasha 6aad ee Heerka sare ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo diiradda lagu saari doono Amniga iyo Siyaasadda.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan shirka si rasmi ah u furi doona, iyadoo ay isla shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson, Ergo ka kala socota 50-dal iyo Hey’adaha iskaashiga la leh Soomaaliya ayaa iyana ka qeyb galaya shirka.
Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Waxaaa sannadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.
Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.