Dhageyso+Sawiro: Wasiirka Xanaanada Xoolaha KGS Oo Tababar U Soo Xirey Gabdho La Barey Faydhoorka Hilibka

0
223

Baydhabo(INO)- Waxa Maanta Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo dhirta Ee Dowlada KGS  Madoobe Nuunow Maxamed  tababar u soo xirey dumar loo tababarey ilaalinta faydhoorka hilibka iyo ka hortaga cudurada  Laga qaado Xoolaha.

Wasiirka ayaa kula dardarmeey Gabdhaha ka shqeeya Kawaanaada Magaalada Baydhabo  ilaalinta nadaafada Guud ee Hilibka isla markaana waxa uu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan  Cudurada laga qaado Xoolaha Nool.

Wasiirka ayaa ugu dambeeyey Shahaadooyin Gudoonsiyeu Gabdhaha loo tababarey Faydhoorka Hilbka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo.