Muqdisho (INO) Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya, mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma`arke ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne oo ka qayb-galaya doorashada madaxweyanaha ee dhammaadka sanadkan ka dhacaysa dalka.
Shir jaraa’id oo u ku qabtay Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Murashaxnimadiisa isagoo sheegay in maanta laga bilaabo uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya Sanadkan 2016.
Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma,ake ayaa mar labaad loo magacaabay xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya sanadkii 2014-ka waxaana haatan kamid noqday musharaxiinta u tartamaya madaxnimada Soomaaliya sanadkaan.