Dhageyso+Sawiro: Qaabkii Loo Caleemo Saarey Malaaqa Beesha Disow iyo Khudbadii Uu Jeediyey

0
254

Baydhabo(INO)- Beelsha Disow oo degta gobolada koofureed ee dalka soomaaliya ayaa Malaaq Cusub ku caleema saartay Magalada Baydhabo.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna caleema saaraarey malaaqa cusub oo lagu magacabo Cusmaan Abshir Caliyow  oo ay dooratay beesha Disow oo kamid ah beelaha soomaaliyeed eee dega gobolada koofureed ee dalka ayaa waxa kasoo qaybgalay ergooyin laga soo casuumay gobolada dalka qaarkood,Odayaasha dhaqanka,xildhibaano siyaasiyiin,haweeen iyo dhalinyaro ayaa munaasabada kasoo qayb galay.

Intii ay socotay munaasabada caleema saarka ayaa dadweyne u dabaadegayey hogaamiyahan cusub ee la doortay ayaa waxaa ay socod ku marayeen wadooyinka magaalada Baydhabo. Xaflada ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano Odayaaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.

Ugudanbeyn waxaa qudbadiisa halkaasi ka soo jeediyey Malaaqa cusub ee beeshani Dooratay Malaaq Cusmaan Abshir Cali.

Wariye Abshir Maxmed Nuur Mandelle, Idale News Online, Baydhabo