Dhageyso+Sawiro: Nimcaan Hilaac Oo Baydhabo Ka Dhigay Bandhig Faneed Xiiso Leh

0
265

Baydhabo(INO)- Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan oo loo yaqaano Nimcaan Hilaan ayaa waxa uu sameeyey Arin ay sameeyn kari waayeen Fanaaniinta kale Ee Soomaaliyeed 25-kii Sano Ee Lasoo dhaafay.

Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxa xalay ka dhacay Bandhig Faneed uu qabtay Nimcaan Hilaac iyadoo loo muujiyey sida dadka Deggan magaaladaasi ay ujecel yihiin Fanaankaasi.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay sheegeen xilli ay Bandhiga ka qeyb galayeen in 25 sano kadib Masraxa Baydhabo uu Nimcaan noqday Fanaankii ugu horeeyey Ee Bandhig ka sameeya.

Nimcaan Hilaac ayaa waxa uu goobta ka qaaday Hees Af Maay Maay aheyd kuna socotay Shacabka Baydhabo Taasi oo Erayadeeda ay ka mid ahaayeen Shacabka Baydhabooy Salaaniitaagay.

Boqolaal Shacab ah ayaa xaadirtay Bandhigaasi Fanaanka Nimcaan uu ku qabtay Magaalada Baydhabo Janaay,ku darso oo Bandhiga Lacagta kasoo Xaroota seddex meel labo meel fanaanka ayaa jeebka ku shubanaya.

Muuqaalada Laga soo qaaday Bandhigaasi ayaa waxa ka muuqday Nimcaan oo inta Heesta Baydhabo ku amaanayey ay Haween badan Lacag ku daadiyeen qaarkoodna ay Dhunkasho kala daaleen.

Halkan Ka Dhageyso

03
02