Baraawe(INO)- Waxaa maanta Bandaw la geliyey Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose halkaaso dhaq dhaqaaqii Magaalada La xakameeyey.
Ciidan badan ayaa lagu Arkayaa Waddooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Baraawe kuwaasi oo dadka lugeenaya xitaa udiidaya inay isticmaalana.
Waxa lagu micneeyey bandowgaasi mid lagu Xaqiijinayo Amniga maadama maanta la filayo in halkaasi ay gaaraan Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xuseen Barre Jeex oo ah Gudoomiyaha Baraawe ayaa sheegay in Maanta Xariga laga jarayo Xarumaha Maamulka K/G ku shaqeyn doono islamarkaana dhawaan Madaxda Maamulkaasi ay uguuri doonaan Madaxtooyada Baraawe maadama haatan si KMG ah loogu shaqeeyo Baydhabo Janaay.