Baydhabo(INO)—Jaamacadda Upper Jubba oo ka mid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maanta waxa ay ku qabatay Xarunteeda xaflad daaha looga rogayay furitaanka sanad wax-barashadeedka 2016-2017 sidoo kalana lagu soo dhaweynayay ardeyda cusub ee sanad waxbarashadeedkaan iska diiwaangelisay.
Xaflada waxa goobjoog barayaasha, Waxgarad iyo maamulka sare iyo gudddiga sare ee jaamacadda kuwaas oo jeediyay khudbado ay ku soo dhaweynayeen ardeyda soo doortay in ay wax ka bartaan Jaamacada Upper Jubba, iyaga oo u ballan qaaday wax-barasho tayo leh.
Dr. Xasan Ismaaciil Isaaq, Hormuudka Xafiiska arimaha Ardayda iyo Waxbarashada Jaamacadda ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabadda
“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka Jaamacadda Upper Jubba, iyo midowga ardayda, dhalinyaradan go’aansatay in ay dalkooda ku nagaadaan oo ay wax ku bartaan durufaha adag ee maanta ka jira iyo waalidiinta nagu aaminay mustaqbalka waxbarasho ee ubadkooda. Waxaan ardayda cusub leeyahay ku sooo dhowaada jaamacadda Upper Jubba kana kororsada tacliinta dhextaal oo ugu faa’iideeya naftiina, eheladiina iyo guud ahaan dalkiinna”. Ayuu yiri Dr. Xasan Baasha.
Waxa uu intaa raaciyay“Xafiiska arrimaha ardaydu waxa uu u taaganyahay mar walba haqabtirkiinna, qaabilaada cabashadooda iyo turxaan bixinta wax walba oo ku yimaada ardeydayda inta ay nala joogaan. Noqda arday baariyaal ah oo u bisil waxbarashadda una hogaansama nidaamka waxbarashada jaamacadda, inaguna waxaan idiin ballan qaadaynaa inan marwalba danihiina iyo danaha guuudba idinkula dadaalno kana shaqayno habayn iyo maalin sidaad ku guulaysan lahaydeen”.
Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Upper Jubba Prof. Idiris Cabdi Takhtar, ayaa waxa uu ka hadlay hannaanka waxbarasho ee Jamaacada Upper Jubba ee ka jira iyo Hiigsiga isaga oo sidoo kalana ku dhawaaqay tirada ardeyda isu diiwaan gelisay sanad waxbarashadeedkaan kamid noqoshada Ardeyda Jaamacadda.
“Waan idiin hanbalyeynayaa Ardeydiinna dugsiyada sare kasoo gudbay ee soo dooratay Jaamacadda Soomaaliya in aad ka diyaarisaan waxbarashada sare. Waxa aad naga sugeysaan in aan buuxinno rajada aad naga qabtaan. Barayaal xirfad leh ayaan idiin diyaarinnay oo idinku haga dariiqa waxbarashada”.
Waxa uu intaa raaciyay, “Waa furanyahay sanad waxbarashadeedka 2016-2017 ee Jaamacadda Upper Jubba berri oo Khamiis ah laga bilaabo casharadu “
Prof. Maxamed Cabdi Raxmaan (Aptiya) oo soo Ka mid ah Bariyaasha Jaamacada Upper Jubba Oo ka hadley Munaasabadda soo dhaweynta ardayda cusub iyo furitaanka Jaamacadda isug jirtay ayaa waxa uu ku booriyay ardayda in ay u adkeystaan waxbarashada sare oo ay dulqaad la yimaadaan si ay uga guul gaaraan ugana mid noqdaan dadka laga doonayo in ay Soomaalida dhanka wanaagga ah ku hagaan.
Waxaa sidoo kale halkaas tix gabay ah iyo tiiru galin ah ka soo jeediyey Abwaan Canjeex oo ka mid ah Abwaanada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Jaamacada Upper Jubba ayaa Waxay sanadkan soo kordhisey 3 Kuliyadood oo kala ah: Public administration, BA iyo Medical Laboratory.
Ugu damebyntii, Jaamacadda Upper Jubba oo ka mid tahay Jaamacadaha kuwooda ugu caansan Ee Magaalada Baydhabo, waxaana dhawaan jaamacaddu ay daah rogtay Shaybaar casriyeysan iyo Weliba maktabad ama library weyn kaas oo ay yaallaan in ka badan 3,000 oo buug kuwaas oo ardaydu ay uga faa’iideysan doonaan waxbarashadooda.