Dhageyso:Sacuudiga oo Qorshe Culus la Damacsan Dalka Soomaaliya

0
188

Muqdisho(INO)- War loogu talo galay Saxaafada oo laga soo saaray Xafiiska Wasaarada Arimaha Diibada Sacuudi Carabiya ayaa waxa ugu horeyn lagu cambaareeyey Weerarkii Ururka Al Shabaab Habeen Hore ku qaadeen Maqaaxida Banaadir Beach Ee Magaalada Muqdisho.

Sacuudiga ayaa muujiyey sida uu ula xanuunsanayo dadka Ehelkooda dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi islamarkaana inta dhaawaca ah urajeeyey inay Bogsiinyo deg deg ah Alle Siiyo.

Si la mid ah Sacuudiga waxa Masaaridu ay wax laga xumaado ku sheegeen dhiiga Shacabka inuu weli ku daato Soomaaliya erayada ugu kululna ay ujeediyeen Al Shabaabkii sheegtay mas’uuliyada Weerarkaasi.

Dawlada Sacuudiga ayaa waxa ay sheegeen inay Soomaaliya ka taageerayaan la dagaalanka Al Shabaab waxaana macquul ah in Ciidan ay usoo diraan Soomaaliya sida ay dalka Yeman ka wadaan howlgalka la dagaalanka Xuuthiyiinta.

Halkan Ka Dhageyso