Muqdisho(INO)- Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo la kulmay xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa kala hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxiintaan oo ku midoobay Madasha golaha Musharaxiinta ayaa waxa ay Beesha Caalamka ay u sheegeen in ay u baahan yihiin in doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ay ku dhacdo si cadaalad ah.
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Musharaxiintii la kulantay Beesha Caalamka ayaa sheegay in xubnaha Beesha Caalamka ay kala hadleen arimo la xariira abaaraha dalka ka jira.
Sidoo kale Sakariye Maxamuud ayaa xusay in Beesha Caalamka ay ka codsadeen in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed.