Muqdisho(INO)- Waxaa jirta Walaac Xoogan oo laga qabo in waqtigii loo ballamay aysan dhici Karin Doorashada Soomaaliya loo qorsheeyey inay ka dhacdo Maalmo kadib.
Siyaasiyiinta iyo Aqoon yahanka Soomaaliyeed ayaa qaba in qaabka haatan loo wajahayo Doorasho ka qabsoonta Soomaaliya aysan aheyn wado Xal ah sida ay haatan wax usocdaan.
C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah Hogaanka Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay wax ka badelka gudiga Doorashada Soomaaliya qabanaya.
Shirwac ayaa sheegay in markii ay su’aaleen gudiga ay usheegeen in Arin Siyaasadeed awgeed ay umagacaaban yihiin,islamarkaana Sharciga iyo Doorasho Xalaal ah inay ka dhacdo aysan suurta gal aheyn.