Dhageyso:Madaxweynaha DF Oo La Kulmaya Hogaamiyaasha Ka Qeybgalaya Shirka Madaxda Africa

0
226

Johnespeg(INO)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud oo hada booqasho kujooga dalka Koonfur Africa ugana qeybgalaya shirka Madaxweynayaasha Africa,ayaa la kulmi doona Madaxweynayaasha wadamadaas qaarkood, isagoo si gaar ah ula kulmaya Hogaamiyaasha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

madaxwey-3-640x340

Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys wuxuu sheegay in uu Madaxweynuhu la kulmi doono Madaxda Koonfur Africa oo si faahfaahsan uga wada hadli doonaan dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed.

Mr, Daa’uud wuxuu sheegay in uu Madaxweynuhu la kulmi doono Jaaliyadaha Soomaalida ee dalkaas jooga oo dhib badan ka tirsanaya dadka udhashay dalka Koonfur Africa.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu khubad ka jeediyo shirka Hogaamiyaasha oo ay manta utahay maalinkii labaad oo uu ka socda dalka Koonfur Africa.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Johnespeg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here