Burhakaba(INO)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa howlgal balaaran waxa ay ka Sameynayaan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska degmada Buurhakaba oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka wadaan degmada howlgallo lagu baadigoobayo dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee lagu tuhmaayo in ay joogaan Magaalada.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in ay xaqiijiyaan ammaanka degmada Buurhakaba.
Waxaa uu sheegay in ay baaritaano dheeraad ah in ay ku sameyn doonaan dadka lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee howlgalka lagu soo qabto. Shalay ayay aheyd markii Qarax miino oo geystay khasaare uu ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.