Muqdisho(INO)-Maalin ka hor ayay Culimaa’udiinka Ahlu-sunna is bedel ku sameeyeen Guddoomiyahooda Golaha Fulinta, Waxaana Xilkaas loo dhiibay Axmed Maxamed Faarax Alif.
Warbaahinta ayuu la Hadlay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Fulinta Ururkaasi, waxaana uu shaaca ka qaaday in uu sii Amba qaadi doono inta uu Xilka Hayo Heshiiskii Sanad iyo Bar ka Hor ay DFS iyo Ururka Ahlu-sunna ku kala Saxiixdeen Dhuusamareeb.
Shiikh C/risaaq Cali Mire Al-ashcari ayaa waxaa uu ahaa Ninkii Xilka isagu hayay, waxaana hadda lagu Bedelay Guddoomiyaha Cusub, Axmed Alif, kaasoo Kalsooni ka Muujiyay in uu Dhameystiri karo Wada Xaajoodkii Dowladda ay la Galeen Ururkoodu.
Dhanka kale Alif waxaa uu sheegay in ay Ahlu-sunna isku Howlo doonto sidii ay Adeegyadii Bulshada ee Deegaanada Gobolka usoo Celin lahaayeen, Maadaama ay Waqtigii hore Dagaal un kula Jireen Xarakada Al-shabaab oo ay Arimihii Bulshadu meesha ka Baxeen.
Idale News Online, Muqdisho.