Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay Cabdulaahi Mursal Xuseen ayaa waxa noo suuragashay in aan la yeelano wareysi la xiriira doorashiisa iyo arimo kale.
Gudoomiye Cabdulaahi Mursal Xuseen ayaa sheegay in xildhibaanada ay gaarayaan ilaa 149,mudane oo afar ka mid ah maanta loo dhaariyey xilka ay u doorteen 111 ka mid ah in uu noqdo Gudoomiayaha kumeel gaarka ah.
Waxa kale uu sheegay in maanta ay doorteen gudi farsamo oo kasoo tala bixin doona sida ay u qabsoomi doonto doorashada Gudoonka Baarlamaanka, mana sheegin maalinta rasmiga ah ee la qaban doono hase ahaatee ay dib kaga soo sheegi doonaan.
Dhanka kale waxaan wax ka weydiinay Maamulka Ceel-barde looga dhawaaqay saameynta uu ku yeelan doono Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay u taaganyihiin wax wada qeybsi iyo qancinta walaalaha.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo