Dhageyso:Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu yahay Shaqsi Sal fudeed Siyaasad leh

0
205

Muqdisho ( INO)-Iyadoo haatan uu yahay Musharrax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Waxgaradka qaar waxa ay ku dhaliileen in uu yahay Siyaasi Sal Fudeed leh oo lagu aamini karin Hoggaanka umadda.

Boqorka Beelaha Hawiye Boqor Cabdi Axmed Cali ayaa sheegay in Farmaajo waxyaabaha aan loogu dhiibi karin hoggaanka umadda Soomaaliyeed ay ugu horreyso deg degsiimo aan ku habooneen hoggaamiye Qaran oo uu caan ku yahay sida uu hadalka u dhigay.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa sida dalka uu majaraha ugu qaban karo shaqsi lagu eedeeyay Sal Fudeed Siyaasadeed maadaama laga rabo in uu qaado Masuuliyadda umadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Musharrax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in fudeed Siyaasadeedkiisa ay xilligaasi xasaanadda ka riday.