Dhageyso:Dr Gaas Oo Eedeyn Kuluul Ujeediyey Beesha Caalamka

0
181

Garowe(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa uu sheegay in muddo badan ay kala hadleen sidii ay qeyb ugu noqon lahaayeen taageerada loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

C/weli Gaas ayaa xusay in loo baahan yahay in shacabka Puntland ay isku tashtaan kana shaqeeyaan sidii ay ugu gurman lahaayeen Walaalahooda dhibaateysan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in beesha Caalamka ay ka dhabeyso balan qaadyada ay u sameysay Puntland iyo taageerada shacabka degaanada Puntland.

Degaano ka tirsan gobolada Puntland ayaa waxa ka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka ku nool deegaanadaasi, waxana jira dad badan oo xoolahooda ay abaar ka dhameysay.