Dhageyso:DF oo meesha ka saartay in Kenya ay ku soo xad gudubtay Dhulkeda

0
231

Muqdisho(INO)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Khaalid Cumar ayaa meesha ka saaray in ay jirto wax xad gudub Kenya ay ku soo sameysay dhulka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada ee shalay oo lagu soo qaaday arrintaan ayaa warbixino looga dhageystay Guddigii loo diray in ay soo kormeeraan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo warar soo baxayay ay sheegayeen in isbedel lagu sameeyey Xadka u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini oo horkacayay wafdigii dowladdu u dirtay inay soo kormeeraan Xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya ayaa u sheegay in Golaha in aysan arkin wax calaamado ah oo muujinaya amaba tilmaamaya in isbadel lagu sameeyey xuduudda dalkeenu la wadaago Kenya, marka laga reebo god laga qoday meel u dhow caalamadda xuduudda oo xigta dhinaca Kenya.

Walow ay Guddigu sheegeen in ay soo arkeen God la qoday oo aysan qeexinmn meesha uu raacsan yahay hadana ma aysan cadeyn wax kale oo muujinaya in lagu soo durkay dhulka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here