Dhageyso:Dawladda Somalia oo Safiirkeedii u joogey Kenya u yeertay

0
234

Muqdisho(INO/Agency)- Wasiirka Arrimaha gudaha ee dawladda Faderaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in aysan waxba kala socon talaabada ay Kenya darbi uga dhiseyso xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in ay arrimahaas kala hadli doonaan madaxda dawladda Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhuba ay sheegeen in aysan waxba kala socon talaabadan ay wado dawladda Kenya, wuxuuna sheegay in si deg deg ah loogu yeeray Safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya, loona dhiibey Dhambaal xambaarsan arrimahan oo loo gudbiyey dawladda Kenya.

Odowaa ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay gorgortan ka galaan qadiyada dhul ay leedahay Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dhageysan doonaan talooyinka ay soo jeedinayaan Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed.

Dawladda Muqdisho ayaa sheegtay in looga baahan yahay shacabku in ay daganaansho muujiyaan, ayna ku qanacsadaan jawaabta ay dawladda Soomaaliya ka bixin doonto arrintaas, xili uu sheegay in ay waqti dhaw jawaab ka soo celin doonaan arrintan xadka ku saabsan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here