Muqdisho(INO)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa waxa uu sheegay xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka qaarkood in ay ku soo baxeen si musuq maasuq ah.
Waxa uu sheegay cabashooyin badan in laga keenay sida ay u dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.
Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku lug leeyihiin Doorashada, cidii ay doonaana xildhibaan ka dhigtaan.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka ayaa sheegay 11 xubnood oo lagu doortay Degaan Doorashooyinka in ay ku soo baxeen si musuq maasuq ah, sidoo kalena Doorashadooda dib loogu laaban doono.