Dhageyso:Amaanka Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Bay Oo Aan Lisku Haleen Karin

0
313

Qansax Dheere(INO-)Maamulka degmada qansax dheere ee gobolka bay ayaa waxa uu kawarbixiyey in Howlgalo ay kasameen doonana deeganada ay hoos tagaan degmada qansax dheere.

Howlgaladaasi oo ay is ka kaashan doonan ciidamada dowlada fadaralka somaliya kuwa booliska gaarka ah kg iyo ciidamada midowga afrika ee AMISOM.

Gudoomiye-ku higeenka degmada qansaxa dheere ee gobolka Bay cabdulle xasan saney ayaa waxa uu sheegey ujeedka howlgalkasi in uu yahay sidii al shabaab looga saari lahaa deeganada hada ay kaga sugan yihiin degmada qansaxa dheere madama ay al shabaab ay godoomiyen degmadaasi qansax dheere ee gobolka Bay.

Tuulo qiyaastii 15KM ay ujirto degmada qansax dheere ayaa malintii lasoo dhafey sida ay sheegen maamuulka degmada qansax dheere in halkaasi lagu qaley mid kamid ah odayasha kasoo jeeda Tuuladasi.

Degamada Qansax Dheere Ee Gobolka Bay Ayaa Waxaa Hoostaga In Ka Badan 75 Tuulo Iyadoo Taasi Ay Jirto Degmadana Ay Kusugan Yihiin Ciidamo Kala Duwan Ayaa Hadana Amaankeeeda Yahay Mid Aan Lisku Haleenkari Waxaa Kaliya Amaankeeda Sugan Xarumaha Ay Ciidanka Kadegan Yihiin Degmadaasi Magalada Dhexdeedana Mararka Qaar Waxaa Kadhaca Qaraxyo iyo Dhibaatooyin Kale Ee Loo Geysto Shacabka Ku Nool Degmadaasi.

Magalada Qansax Dheere Xiliyada Habeenkii Ayaanan Jirin Wax Roonda Ah Oo Ay Sameynayaan Ciidanada Dowlada Somaliya Kuwa Booloska Gaar Ah Ee KGS Iyo Ciidamada AMISOM Dhaq Dhaqaaq La’aanta Ee Kajirta Qansax Dheere Xiliyada Habeenkii Ayaa Kentaa In Al Shabaab ay Sogalaan Magaladaasi Sida Uu IdaleNews.com U Xaqiijiyey Gudoomiye-kuhigeenka degmada qansaxa dheere ee gobolka bay cabdulle xasan saney.

Shanta Wada Ee Soo Gasha Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Bay Ayaa Waxaa Godoomiyey Urarka Al Shabaab Sidaasna Waxaa Lagu Waayey Dhimeystirmaan Adeegyada Bulshada Sida Xarumaha Caafimaadka Waxbarashada iyo Adeegyada Kale Ee Ubaahan Shacabka Ku Nool Magaladaasi Gudoomiye Kuxigeenka Ayaa Waxaa uu Sheegey In Ay Adag Tahay Arimahaasi Si wax Loogu Qawanlahaa.

Ugu dambeyntii Ciidamada Ku Sugan Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Baay Intii Ay Lawaregeen Kana Sareen urarka Al Shabaab Degmadaasi Ayaan Jirin Wax Ay Ka Qabteen Amaanka Halkaasi.

Halkan Ka Dhageyso

W/Q:WariyebSiidcali Muuse Maxamed (Ateera)