Dhageyso: Xildhibaan Dhulka ku Jeeday Madaxweyne Xasan Sheekh kuna Sheegay ..

0
229

Muqdisho(INO)- Soomaaliya ayaa haatan waxay ku jirtaa Marxalad kala guur ah iyadoo lasoo sheegayo Hantida Qaranka in la jeeb gishanayo islamarkaana Doorashada dhici doonta Maalmo kadib ay mas’uuliyiinta ku geli doonaan sida la ogaaday lacagaha Qaranka.

Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Iidle Geedi ayaa hoosta ka xariiqay inay ka war hayaan Musuq maasuq la dagay sida uu hadalka udhigay Hay’adaha Dawlada Soomaaliya.

Waxa uu Geedi sheegay inay iyagu leeyihiin keliya soo gudbinta wixii Jira iyo Meelaha Musuqa ka taagan yahay balse Awood fulineed aysan sameyn Karin.

Hadalka Xildhibaankani ayaa kusoo beegmaya xilli Shalay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu sheegay in Lacag kabadan Nus Milyan Dollar laga Xaday Bankiga taasi oo Khasnajigii Xatooyadaasi Sameeyana uu Baxsaday.

Halkan Ka Dhageyso