Dhageyso: Xaliimo Yareey “Xildhibaanadu waa inay ku biiraan Xisbiyada Dalka”

0
191

Muqdisho(INO)- Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu hadda isku diyaarinayaa nidaam doorasho oo ku saleysan hab qeybsiga Beelaha Ee Afar beel iyo Bar maadaama la awoodi waayey in Amni Jira doorasho hal qof hal cod ah dalka laga qabto.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa waxay ka hadashay Hanaanka Xisbiyada Dalka iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan Doorashada soo socota.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in Doorashada 2016 aysan suurta galnoqon in Nidaamka Axzaabta Dalka wax lagu  soo doorto hase ahaatee ay ka rajeenayaan Doorashada dambe 2020 ay doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto.

Gudoomiye Xaliimo Yareey ayaa sheegtay inay bilaabayaan diin waan gelinta Xisbiyada Dalka ka Jira maadaama ay sheegtay in loo baahan yahay Xildhibaanadu inay Xisbiyada ku biiraan inkastoo ay sheegtay in Xisbiyadu fara badan yihiin hadana ay ku qasban yihiin in lawada diin waan geliyo.

Halkan Ka Dhageyso