Dhageyso: Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafka KGS ” Shariif Xasan Madaxweyne Ma ahan, Wasiirada Ha Is Casilaan”

0
198

Muqdisho(INO)— Wasiirka Diinta iyo Ow-qaafka maamulka Koofur Galbeed ayaa sharci daro ku tilmaamay musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Macalin Barre, wasiirka Diinta ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in xeerka maamulkaasi uu dhigayo in shaqsiga doonaya inuu xilal kale qabtaa uu marka hore iska casilaa xilka uu ka hayo maamulka Koofur Galbeed.

“Waa sharci daro in Shariif Xasan uu musharaxnimo ku dhawaaqo, waxaa marka hore qasab ah in Shariif Xasan uu is casilaa, maanta madaxweyne malahan koofur galbeed, ciddii dooneysa xilkaasi wuu u banaan yahay”

“Waxaan ku baaqayaa in la iclaamiyo shir aan caadi aheyn oo baarlamaanka iskugu yimaado, si loo sameeyo loona doorto hogaan cusub uu Koofur Galbeed ay yeelato”ayuu yiri wasiirka diinta.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ugu baaqay wasiirada  Koofur Galbeed Soomaaliya inay iska casilaan xilalka ay hayaan, maadaama sida uu sheegay ay ku fashilmeen shaqadii ay u hayeen shacabka.

“Waxaan ugu yeerayaa wasiirada koofur Galbeed oo aniga aan ka tirsanahay, inay dhamaantood is casilaan, maadaama aan ku fashilanay howlihii nalaga rabay oo dadka iyo dalkaba aan wax u qaban”

“Dhaqaalihii loogu talo galay dadkan hoteelada ayaa lagu jiiftaa oo lagu baashaalaa, waxaan leeyahay wasiirada kale inay iska casilaan howlaha ay hayaan”ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, mana jiro madaxweyne ku xigeen xilkaasi sii qabanaya marka laga yimaado wasiiro xilkaasi si KMG ah u haynaya.

Halkan ka Dhageyso