Wafdi heer wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose, si ay ugu kuur galaan xaalada magaalada, tan iyo markii ay la wareegeen Ciidamada huwanta ah.
Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Taliyaha Ciidamada xooga dalka iyo Saraakiil kale.
Goor dhow ayaa la filayaa in wafdigan ay diyaarad gaar ah ka qaado garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo maamulayaasha magaalada gacanta ku haya ay kala hadli doonaan arrimaha ammaanka, maamul u sameynta iyo arrimo kale.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay dib Muqdisho ugu soo laaban doonaan gelinka dambe ee maanta, waxaana inta ay ku sugan yihiin magaalada ay kormeeri doonaan Dekeda iyo meelo kale.
Wariyaal la socda Wafdiga ayaa sheegaya in wafdigan heerka wasiir ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta adeega bulshada, iyagoo wada Isgaarsiin iyo FM laga hirgeliyo magaalada, kaasoo ah warbaahinta afka dowladda ku hadasha.
Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Kismaayo laga soo celiyay wafdi uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo u socday sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada magaalada iyo u kuur gelidii arrimaha dhoofinta dhuxusha oo aheyd mida keentay khilaafka dowladda iyo maamulayaasha Kismaayo.