Dhageyso: Wasiirka Arimaha Gudaha Ee KGS Oo Ka Hadley Arimo Badan

0
265

Baydhabo(INO)-Wasiirka Arimaha gudaha iyo dowlaha hoose ee dowladda Koonfur galbeed soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan Sata, ayaa ka hadley xaaladaha Anmiga, Isbedel lagu sameeynaayo, maamulada Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo  Xaalada Gobolka Bakool oo go’doon ku jira sanado badan.

KGS

Wasiirku mar uu ka hadlaayey xaalada Amniga ee KG Soomaaliya ayaa sheegey in amniga ay wax badan ay  ka qabteen isla markaana ay ka hortageen, kooxo rabey inay  carqaladeeyaan Amaanka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaaliya.

C/raxmaan Ibraahim Aadan Sata, wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ahna ku simaha Madaxweynaha KGS, ayaa tilmaamey,  inay ku la jiraan in la isku furo  wadooyinka muhiimka ah ee gala Gobolada Bay iyo Bakool kuwaasoo ay Go’doomiyeen Kooxda Al-shabaab oo haysato Qiibo ka mid ah Gobolada KGS.

Sidoo kale wasiirka Waxa uu ka hadley murun ka taagan Xaduudaha Gobolada Banaadir Iyo Gobolada Shabellaha Hoose isla markaana waxa uu sheegeyn in aaney  jirin wax muran ah oo ka taagan xuduudaha labadaasi Gobolka,  Xalna laga gaarayo.

Dhan kale wsiirka waxa carab ku adkeeyey in isbedl lagu sameeyn doono maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoona Dhawaan magacaawey, gudoomiye ku xigeenka Dhanka Amniga ee gobolka Shabellaha Hoose.

“dhismaha Maamulada waxaan guda galeynaa maalmaha soo socda, waxaa socda wadatashiyo lala yeelanayo Dadka Deegaanka si loo ogaado baahida Maamulka, waxaan booqasho ku tagnay dhowr Magaalo ujeedadu waxa ay ahayd in la qiimeeyo baahida adeegyada bulshada” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Koofur galbeed.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here