Dhageyso: Wasiir Odawaa Oo Ku Soo Wajahan Baydhabo

0
209

Baydhabo(INOI)- Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku wajahan  Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Ujeedka ugu weyn uu Wasiirka arrimaha Gudaha u gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa ah  sidii uu usoo xiri lahaa Shirweyne looga hadlaayay Mideynta iyo Wada shaqeynta Wasaarada Arimaha Gudaha Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Heer Maamul Gobaleeyada  oo maalmahaan ka socday Magaaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya C/raxmaan Sate oo goordhaweyd la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya.

Shirweyne looga hadlaayay Mideynta iyo Wada shaqeynta Wasaarada Arimaha Gudaha Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Heer Maamul Gobaleeyada  oo  ayaa horey waxaa loogu qabtay magaalooyinka Cadaado, Garoowe, iyo Kismaayo.

Halkan Ka Dhageyso