Dhageyso Wareysi:Madaxweyne Shariif Xasan Oo shacabka Koonfur Galbeed u Diray Hambalyada Ciid-fidriga

0
373

Jiddah(INO)– Madaxweynaha dawladda Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa hambalyada ciidul fidriga u diray dhammaan muslimiinta caalamka gaar ahaan shacab-weynaha  Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaaliya.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in ay ku ciidaan  farxad iyo nabad gelyo isla markaana ay is cafiyaan isuguna hambalyeeyaan farxadda maalinta barakaysan ee ciidul firiga.

“ciid mubaarak ciid mubaarak ciid mubaarak, waxaan idiin rajeynayaa indinka, xaasaskiina, carruurtiina iyo eheladiina meel walba oo aad joogtaan in aad ku ciidaan ciid wanaagsan oo nabadgelyo leh.

Waxaan sidoo kale Eebbe idiinka rajeynayaa in sannadkaan sannadkiisa kale aynu ku gaarno nabad gelyo, naxariisa, wadajir, horumar, midnimo iyo dawladnimo”ayuu yiri Madaxweyne  Shariif Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Eebbe uga baryey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in ka aqbalo Soonkii ay Soomeen, intii dhimatayna uu ugu naxariisto fadliga Soonka awgii, sannakaan sannadkiisana uu ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Wariye C/qaadir Lucky,

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.