Muqdisho(INO)- Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka laga helayo weerarkii xalay lagu qaaday Guri uu kusugnaa Sargaal Xubin muhiim ah uhayey Ururka Al Shabaab.
Dagaal xoogan ayaa ka dhacay Gurigaasi oo Sargaalka lagu hujuumay kuna yaallay Deegaanka Luuq Jeeloow Ee Duleedka Magaalada Baledweyne.
Khasaaraha gaaray Ciidanka meliteriga Soomaaliya iyo kuwo qaab maleeshiyaad u abaabulnaa Ayaan la ogeyn waxayse ku faaneen inay dileen Sargaalkii Al Shabaab uqaabilsanaa Amniyaatka.
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim ayaa Idaacad ku taalla Muqdisho usheegay in Cabdi Cali oo ahaa ninkii dhawaan dilay Nabadoon Caan ahaa isna la khaarajiyey oo gacanta ciidanka ku baxay.