Baydhabo(INO)- Waxaa magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxa ka dhacay kulan si wayn loo soo qaban qaabiyay oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad,siyaasiyiin Maamulka gobolka, Kan Degmada Baydhabo Wasiiro ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullanka waxa soo qaban qaabiyey ururka Dhalanyaradda Koonfurta Soomaaliya ee (SSYO).
kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay xaalada Caruurta Darbi jiifta Baydhabo iyo Sidoo looga hortagi lahaa Askareynta iyo tacadiyada Caruurta Koonfuta ee soomaaliya Loo geysto, waxaana halkaas la isku waydaarsaday rayiyo kala duwan.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa barnaamij loogu magac daray Homeless ee la doonayo lagu daryeelo iyo waxbarasho la siinaayo Caruurta agoomaha ah iyo kuwo darbi jiifta Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Koonfurta Soomaaliya Shariif Abuukar ayaa ka warbixiyay baahiyaha dhanka Bini’aadanimada ,Daryeel la’aan waxbarashada la’aan haysto caruur yar yar oo ku Nool Gudaha Magaalad Baydhabo iyo Qorshaha ay u haayaan.
Ugu dambeyntii, Qaar ka mid ah waxgaradkii ka hadlay Kulanka ayaa ururka dhalinyarada Koonfurta Soomaaliya Ee (SSYO)Ku booriyay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan daryeelka Caruurta iyo waxbarashada.
Halkan Ka Dhageyso wareysiga Shariif Abuukar
Idale News Online, Baydhabo