Baydhabo(INO)- Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan cabdi Max’ed oo ka qeybgalayay Shirkii Wasaaradda Warfaafinta Federaalka,Wsaaradaha Warfaafinta Dowlad goboleedya iyo Warbaahinta madaxabanaan ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yahay Dowlad Goboleedyada kaliya ee ka jira Soomaaliya ee aan cadaadin Warariyayaasha ka shaqeeya degaannadooda.
Wasiirku waxaa uu sheegay in haddaba ay shirka kala qeyb galeen dadkii matalayay Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed oo kala qeybgalay Shirka lagu soo geba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu intaa ku daray in meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya lagu dhibaateeyo Warbaahinta Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in Maamulkooda uu si gaar ah u xushmeeyo Warbaahinta.
Wasiir Xasan waxaa uu sheegay in wada shaqeyn gaar ah ay ka dhaxeyso Warbaahinta madaxabanaan iyo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa sheegay in wakiilo ka socday Warbaahinta madaxa banan sida Baidoanews iyo amaandhoorey kala qeyb galeen shirka muqdisho.
Idale News Online, Baydhabo