Wareysiyo is diidan ayaa ka soo yeeraaya siyaasiyiin ka wada tirsan beesha Absame isla markaasna ka qeyb ah dhismaha maamul goboleedka Jubbaland State oo muddooyinkii ugu dambeeyey ergooyin ka tirsan Jubooyinka iyo Gedo uga socdey magaalo xeebeedka Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.
Maxamed Amiin Cabdullaahi Cusmaan oo wareeysi siiyay idaacada BBC-da qeeybteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in shirka magaalda Kismaayo aan laysku waafaqsaneen. Maxamed Amiin oo ka mid ah dadka deegaanka Jubbada Hoose ayaa waxa uu ka digay sida ay wax hadda ku socdaan haddii ay kusii socdaan in ay qatar tahay in uu dagaal sokeeye ka qarxo magaalada Kismaayo. Waxa uu sidoo kale horey ugu tilmaamey in dadka shirka wada yihiin shaqsiyaad aan deegaan matalin isla markaasna aysan jirin cid uga xaq leh iney aayaha deegaanadaasi ka hadlo.
Dhageyso Maxamed Amiin [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/04/Maxamed-amiin.mp3]
Dhanka kale Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada shirweynaha Kismaayo Macalin Maxamed Ibraahin oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirku meel fiican marayo.Macalin Maxamed ayaa dhanka kale ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeedhay Maxamed amiin.
Wareysiga Macalin Maxamed halakn ka dhagayso
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/04/Macalin-Maxamed-Ibraahin.mp3]
Idale News Kismaayo