Baydhabo(INO)- Siyaasiga C/laahi Idriss Leesto Oo Ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey Hadalo ka soo yeerey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwoo ay ka soojeedaan Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool, isla markaana ay u digeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Shirar siyaasadeedka Ka wado Degmadaasi.
C/laahi Idriss Leesto ayaa Tilmaamey in dagaal beeledyo ka soo laabteen Gobolada Dalka, isagoona xusey Dagaaladii ka dhaceen Magaalooyinka Galkacyo, Marka iyo Baledweyn isagoona digniin ka bixiyey in aysan dagaal ka qarxo Gobolka Bakool Ee Koonfurta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Siyaasiga ayaa ugu baaqey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden inuu Fuliyo Balanqaadyadii uu sameey, isla markaana ku dadaalo maamul wanaaga .
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo