Dhageyso:-Sir Somaliland Qarineysay ay Soo Bandhigtay DFS

0
176

Muqdisho(INO)- Maamulka Soomaaliland ayaa isku aqoonsaday inuu ka go’ay Soomaaliya sidaa awgeedna uu yahay Waddan Madax banaan inkastoo weli dunidu Aqoonsi siinin.

Wixii ka dambeeyey Sanadkii 1991-kii markii ay bur burtay Dawladii Awooda Badneyd Ee Soomaaliya waxa ay Soomaaliland ku dhawaaqday inay go’een kadib markii ay ku andacoodeen Xasuuq Dad badan lagu laayey uu ka dhacay Deegaanadeeda oo qaab qabiil lagu beegsaday.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Soomaaliland Cali Xuseen Ismaaciil ayaa sheegay in ay ku Eedeenayaan Dawlada Soomaaliya mid laf dhuun gashay ku ah jiritaanka Soomaaliland oo ay diidan tahay hormarka ay gaareen.

Wasiir Xuseen waxa uu si kulul uga jawaabay arin la xiriirtay heshiis Caalami ah oo Somaliland gashay iskuna dayeen D.F Soomaaliya inay hor istaagto hase ahaatee iyagu guuleysteen.