Dhageyso: Silaanyo Oo Isku Shaandhey Ku Sameeyey Gollahiisa Wasiiradda

0
178

Hargeysa(INO)- Madaxaweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wareegto uu soo saaray isku shaandhayn ku sameeyey qaybo ka mid ah xukuumaddiisa, waxaana wareegtadaasi ay saameysa wasaaradi ay ka mid tahay wasaaradda arrimaha gudaha 

Wareegtada ayaa waxaa xilka looga qaaday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyadoona xilkiisa loo magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.

Wasiir Warancadde ayaa isagu loo magacaabay wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Sidoo kale wasaaradaha ay wreegtadu saameysay ayaa waxaa ka mid ah wasaaradda duulista iyo hawada, waxaana xilkeeda loo magacaabay Farxaan Aadan Haybe.

Halkan Ka Dhageyso