Muqdisho(INO)– Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona sheegay in fadeexo ku tahay in markale uu isu soo sharaxo jegada madaxtinimada ee dalka.
Shariif Sheekh Axmed oo Arbacadii dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in waxyaabaha uu isweydiiyo ay ka mid tahay ereyga uu ku ololeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ah (Qabyo ninkeedaa dhameystira).
“Waxyaabaha aan isweydiiyo waxaa ka mida ereygan lagu soo celceliyo, oo qabyo ninkeedaa dhameystira. Ma isweydiinay horta qabyo ninkeedaa dhameystira, goormaa la yiraa? Qabyo ninkeedaa dhameystira waxaa la yiraa qof hawl loo diray, shaqadii soo qaban waayay, lagu khasbaayo inuu qabto shaqadii. Waxaa la yiraa qabyo ninkeedaa dhameystira, raali ahow shaqadaa iska soo dhameystir.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu intaa ku daray “Tan shaqo khasab ah maaha, waa shaqo aad adiga dooraneyso, waa shaqo laguu dooranayo, waa shaqo qaran, marka xiriir lama laha maah maahdan meesha ay soo gashay.”
Haddiiba Madaxweynuhu uu ka gaabiyay shaqadii loo igmaday, ayuu sheegay inaanu xaq u lahayn in markale uu isu soo taaggo qabashada Xafiiska Madaxtooyada.
“Mudane Madaxweyne haddiiba aad qabyeysay shaqadii laguu doortay, oo illaa iyo hadda aadan noo sheegin sababta ay u dhacday arrintaas, waxaan u maleynaa xaq uma lihid markale inaad isa soo taagto. Waxay kuugu tahay fadeexo, waxay kuugu tahay weji go’, inaad markale tiraa hala i taageero.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Shariifka, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud uga digay in hantida qaran uu u adeegsado ololihiisa doorashada madaxtinimada ee sanadkan, si markale uu ugu soo laabto talada dalka.