[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/11/wareysigaBuuloXaawoShabaabka.mp3]
Sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan magaalada B/Xaawo laguna magacaabo Xasan C/llaahi Cali ayaa u warramay warsidaha Toosiye.com wuxuuna noo caddeeyey inay xarakada Al-Shabaab gacanta ku hayaan magaalada.
Wuxuu noo sheegay in xarakadu ay dileen 7 kamid ah askartii ciidamada dowladd, wuxuu kaloo intaas ku daray inay ka qabsadeen 3 gaari oo qoryo saarnaayeen.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada dowladda Kenya oo ku sugan magaalada Mandheeraa hub ay soo tuureen gubeen xarunta degmada iyo dhismayaal kale.
Wuxuu kaloo sheegay in dhinaca Al-Shabaab inaysan waxba soo gaarin sida uu sargaalku sheegay. dhinaca dowladda oo aan lasamaynay xiriir dhinaca isgaarsiinta ah ayaan waxba nooga suurtogalin inaan ka helo war ka duwan dhinaca Al-Shabaab.
Magaalada waxaa laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ka dhacaysa qaybo kamid ah daafaha magaalada.
Idale News Nairobi