Baardheere(INO)- Howlgal gaar ah ayaa waxa ciidanka Dawlada iyo Kuwa Ajaanib ah ka sameeyeen Degmada Saakoow Ee Gobolka Jubada Dhexe,faah faahina kasoo baxayaan.
Ciidanka Mareykanka iyo kumaandoosta Soomaaliya ayaa wadajir waxay howlgal qorsheysan uga fuliyeen Saldhig Ururka Al Shabaab kulahaayeen Saakoow oo qiyaastii 80km ujirta Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.
Saraakiil Al Shabaab ah ayaa iyagoo nool waxay ciidanka Huwantu ay ku qabteen howlgalkaasi sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan.
Ciidanka howlgalka sameenayey ayaa xaafadaha qaar udaatay oo markii dambe Nolosha ku qabtay Xubno katirsan Al Shabaab oo hurdayey Xaafadaha la baaray.