Muqdisho(INO)-Raiisul Wasaraha Dowlada Fadaralka Soomaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali sharmaarke aya ka Hadlay Colaada Magaalda Gaalkacyo ka taagnayd Kadib Markii heshiiskii afaraad Madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen magalada Muqdisho , heshiiskaasi oo la Shegay in lagu Soo Afjarayo Colaado Dhawaan ka Dhacay Magalada Gaalkacyo
Cumar Cabdi Rashiid ayaa shegay in heshiiska hada la Gaaray uu yahay Mid horseedi doona Nabada Mgalada Gaalkacyo iyo Sidoo kale in Bulshada gaalkacyo la Mideeyo Waxana labada DHInac uu ka Dalbaday in la Adkeeyo Dhaqan Galinta heshiiskaasi
Sidoo kale Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somaliya ay ka walaacsaneed sidii xal loogu heli lahaa xaalada gaalkacyo balse maanta la soo afjaray dhibaatadii oo dhan.
HALKAAN KA DHAGEYSO.
Idale News Online, Muqdisho



