[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2012/12/Raysulwasaare-Saacid.mp3]
Raysulwasaaraha Dowlada Federaalka Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa bogaadiyay ciidamada amaanka ee maamulka magaalada Kismaayo kadib amrkii ay fashiliyeen baabuur walxa ka buuxaan oo la rabay in lagu bartilmaameydsado goobo katirsan magaalada Kismaayo.
‘‘Kismaayo waxaan amaanahayaa runtii sida amaanka gudaha dadku uu isaga xilsaaray.Waad la socotaan iyagoo taakuleyn dowladeed oo xoogleh haysanin qarax inay ka hortageen oo 2 baabuur oo qarax sameyn lahaa ayagoo iskood ah ay iska joojiyeen hadana Booliska hortiisa ay yaalaan.Arintaas waan bogaadinaynaa isku talagalka iyo dedaalka dadku geystay waan u hamabalyeynaynaa waana ku faraxsanahay.’’
Raysulwasaarha ayaa sidoo kale shaaciyay in Dowladu ay si deg deg ah wafdi ugu diri toonto magaalada Kismaayo.Raysulwasaaraha oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi ‘‘Hadii Alle idmo deg deg waxaan ugu direynaa wafdi sare , waanu xiisaynaa in nabada Kismaayo ay noqoto mid lagu diirsado oo degdegta.’’
Hadalka Raysulwasaaraha ayaa kusoo beegmayaxili madmadoow badan uu dhexyaalo maamulka magaalada Kismaayo iyo madaxweynaha DF Somalia.