Muqdisho(INO)-Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubba ee kasoo jeeda Beesha Digol-Mirifle Ee Jubooyinka ayaa si kulul u weeraray qorshaha Madaxweyne Shariif Xasan uu ka damacsan yahay deegaanada Jubbooyinka.
Hadal ay ka jeediyeen kulan ka dhacay magaalada Kismaayo ayay ku sheegeen iney ka xun yihiin hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha koofur galbeed ee Shariif Xasan Sheikh Aadan.
“Waxaad dooneysay in Xasan Sheikh aad kula dagaasho doorashada markii aad la dagaalameysay Madoobe Nuunow, waana kugu ogaanay ee Ogow”ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Digil-Mirifle Ee Jubooyinka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshe halis ah uu Madaxweyne Shariif Xasan ka damacsanaa deegaanada Jubbooyinka, isagoo tusaale usoo qaatay inuu doonayay in gudoomiye baarlamaanka oo uu wato in la geeyo Jubbooyinka, laakiin ay ogaadeen.
Ugu dambeyntii, Waxaa hadalkaasi uu u muuqdaa mid cirka kusii shareeraya khilaafka u dhaxeeya madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Kismaayo