Kulan ay soo qabanqaabiyeen qaar kamid ah jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa waxa uu ka dhacay hoolka shirarka Hotel Ramada ee magaalada Minneapolis.
Kulanka oo xog-wareysi ahaa ayaa waxaa isbadelada Soomaaliya ka dhacay jaaliyada uga waramayey saddex aqoonyahan oo si weyn looga qadariyo gobolka Minnesota wixii ay ku soo arkeen intii ay ku sugnaayeen caasimada dalka soomaaliya ee Muqdishu .
Pof Cali Khaliif Galeydh, Prof Axmad Ismaaciil Samatar, Abdulqaadir Cadoow oo dhamaantood qeyb ka ahaa isbadalkii dalka ka dhacey ee looga gudbayey ku meel gaarnimadii ay Somalia ku jirey muddo sanado ah.
Aqoonyahanada waxa ay jaaliyada uga warameen wixii ay soo arkeen mudadii ay joogeen magaalada xarunta ah ee Muqdisho. Labada Mudane oo hadalka intiisa badan qaatey ayaa waxyaabihii ay ka hadleen waxaa kamid ahaa Khaatumo iyo Somaliland, Puntland, Taleex, nolosha dadka, Dastuurkii dalka loo sameeyey, arimaha Fedreraalka, barakacayaasha, Dhalinyarada, Xeryaha Qaxootiga Kenya, dowladaha Kenya iyo Itoobiya, sida ay arkaan arimaha ku xeendaaban maamul goboleedyada, Mahiiga, Jubaland iyo Arimo kale oo aad u mugweyn.
Ugu danbeyntii Aqoonyahanada waxa ay jaaliyada ku booriyeen in dalka wax u qabtaan
Dhawaan ayaan idiin soo soo gudbin doonaa dhamaan codadkii Prof Galeyr iyo Prof Samatar ay kala wada hadleen oo aad u dheeraa.