Muqdisho(INO)- Odayaal iyo Waxgaradka ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle ee koonfur galbeed Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo dhaweeyeen in Jawaari mar kale musharax u noqdo Guddoomiyaha Gollaha shacabka.
Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa horay u ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya waqtigiisa idlaaday,wuxuuna hadda damacsan yahay in mar kale uu isa soo sharxo.
Odayaasha kulmay ayaa ku dhiira geliyay Jawaari inuu mar kale isa soo sharxo,islamarkaana uu u qalmo xilkan horayna wax badan u soo qabtay,sida ay hadalka u dhigeen.
Ugu Dambeyntiim Prof.Jawaari ma uusan shaacin inuu yahay musharax mar kale u taagan Guddoonka Baarlamaanka,balse waxaa jira warar hoose oo sheegaya inuu mar kale musharax yahay.