Baydhabo(INO) — Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Baarlamaanka cusub ee maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo taageero loo muujinayo mooshinka ay baarlamaanka federaalka ay ka keeneen sida loosoo xuley baarlamaanka Jubbaland.
Magaalada ayaa gebi ahaan Maanta xirnayd iyadoo amaanka si wayn loo adkeeyay, dad-weynaha dibadbaxa dhigayey ayaa waxay isugu wada yimaadeen garoonka wayn ee Ayuub Studium.
Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Wasiirrada Koonfur-galbeed ee ku sugan Baydhabo, waxaa kaloo goob joog ahaa siyaasiyiin, waxgarad qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka iyo ganacsatada magaalada.
Goobta dibadbaxa ayaa waxaa ka hadlay siyaasi, Max’ed Aadan Qalinle iyo guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macallin Biikole; waxayna sheegeen in xulista baarlamaanka maamulka Jubbaland uu yahay mid si khaldan loosoo xulay, waayo dadkka deegaanka ayaa laga tagay, dad aan deegaanka ahayn xubno badan ayaa laga siiyay, mas’uuliiinta ka hadashey bannaanbaxaas ayaa waxay taageereen mooshinka hadda socda.
Waxaa kaloo ka hadlay guddoomiyaha Ururka Haweenka gobalka Bay Muraayo Mad Deer iyadoo sheegtay in baarlamaanka maamulka Jubbaland uu ahayn mid xalaal ah oo si cadaalad-darro ah loosoo xulay, waxay kaloo sheegtay inay kasoo hor-jeedaan go’aanka kasoo baxay Beesha Caalamka oo lagu taageerayay wakiillada baarlamaanka Jubbaland.
Idale News Online, Baydhabo