Dhageyso: Mursal ” Go’aanka GXKH Waa Mid Siyaasadeysan, Mana Quseeyo, Natiijadu Sideeda Ayey Ahaaneysa”

0
196

Baydhabo(INO)- Iyadoo maanta guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay soo saareen liiska xildhibaanno la joojiyay natiijadoodii doorasho, ayaa dhinaca kale waxaa arintan durbaba jawaab ka bixisay Dowalad Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku gacan-seyrtay go’aanka guddiga.

Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay go’aanka guddiga doorashada mid siyaasadeysan oo laga leeyahay ujeedo kale, iyaga oo intaa ku darray in xildhibaannada la joojiyay ee lagu doortay magaalada Baydhabo yihiin kuwo ku soo baxay sifo sharci ah.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed C/laahi Mursal  ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga xalinta khilaafaadka ay ku amreen in db loogu laabto Doorashada 5 xubnood oo lagu doortay Baydhabo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaannada lagu doortay Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu amray in aysan qaadan kaararka aqoonsiga, taa oo looga jawaabayo go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka oo liiska ay soo saareen ku soo darray ilaa shan xildhibaan oo laga soo doortay  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, guddiga doorashada  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in go’aanka soo baxay yahay mid la musuq-maasuqay islamarkaana dhinacooda ku laaban doonin doorashada shanta kursi ee ku soo baxay liiska xubnaha dib loo celiyay.

Halkan Ka Dhageyso